MURASHAX MADAXWEYNE ASAD OSMAAN IYO WAFDIGIISA AYAA SIWEYN LOOGU SOO DHOWEEYAY DULEEDKA MAGAALADA GA

in blurt •  last year 

MURASHAX MADAXWEYNE ASAD OSMAAN IYO WAFDIGIISA AYAA SIWEYN LOOGU SOO DHOWEEYAY DULEEDKA MAGAALADA GAALKACYO EE GOBALKA MUDUG

Gaalkacyo : 06 May 2023: wafdi uu hoggaaminayo murashax Asad osmaan ayaa soo gaaray Degmada Gaalkacyo ee Gobolka mudug ,halkaas oo siweyn loogu soo dhoweeyay.

Dhaqanka, Waxgaradka iyo qeybaha kal duwan ee Bulshada Gaalkacyo ayaa uga mahadceliyay Murashaxa booqashada uu ugu yimi iyo ol’olaha Doorashada hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka Puntland.

Murashaxa Madaxweynaha Dowladda Puntland Asad osmaan ayaa la wadaagay Bulshada Gaalkacyo in Madaama uu yahay Murashaxa Madaxweyne ugu horeeyay ee soo booqda, Sidaasi darteed uu codsanayo in Ururka Mideeye ay u codeeyaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 25 May 2023 .

Dalmar Socdaal
image

image

Authors get paid when people like you upvote their post.
If you enjoyed what you read here, create your account today and start earning FREE BLURT!